|
Marko,(insidesomalia.org)-Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Shabelaha Hoose ayaa waxa ay Cambaareeyeen falalka ka dhanka ah Shacabka iyo Hay’adaha Samafalka ee ka howl gala gudaha Dalka Soomaaliya.
Kulankaan balaaran oo maanta ka dhacay Hotelka Aadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 50 Xubnood oo isugu jira Aqoonyahano Siyaasiin Culamaau’diin ka soo jeeda Beelaha wada dega Gobolka Shabelaha Hoose ,waxaana kulankaan looga hadlay arimaha ka taagan gudaha Dalka Soomaaliya gaar ahaan dilalka iyo dagaalada ay ku wax yeeloobayaan dadka rayidka ah iyo Afduubka loo geysanayo shaqaalaha Hay’adaha gar gaarka.
Qaar ka mid ah Xubnihii ka qeyb galay kulanka ayaa waxa ay sheegeen in ay ka xun yihiin afduubka iyo dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah, islamarkaana ay ugu baaqeen dadka ku lugta leh in arinkaasi ay ka joogaan ayna u naxaan Shacabka masaakiinta ah sida uu Saxaafada u sheegay Cabdu qaadir Axmed Aadan oo ah Afhayeenka Odayaashii maanta kulanka Magaalada Marka kuyeeshey.
Xubnaha kulanka yeeshay waxaa ka mid ah Malaaq Sheekh Xasan Sheekh Ibraahim, Maxamed Nuur Hiraabe iyo Cabdi Raxmaan jeerow, kuwaasi oo ka hadlay sida ay uga xun yihiin dhibaatada ku habsatay Shacabka Soomaaliyeed oo soo jiitamaysay in ka badan 18 sano,waxaana ay ugu baaqeen dadka ku lugta leh Afduubyada in ay joojiyaan falkaasi oo saameyn ku yeeshey dadka ka barakacay rabshadaha ka jira Magaalada Muqdisho.
Waa markii ugu horeysay oo kulan nuu can oo kale ah lagu qabto Magaalada Marka oo looga hadlayo dhibaatada heysata Shacabka iyo sida ay uga xun yihiin Afduubka loo geysanayo Shaqaalaha u shaqeeya Hay’adaha gar gaarka ee ka howl gala gudaha Dalka Soomaaliya.
|